Hubaay Hubaaya is a famous somali song sung by the great singer of Asha Abdow Suleiman.
Source of mercy
Spring of love
Beacon of Light
Rainbow of hope
My dear Mother
In love you conceived
In pain you labored
In tears you suffered
In sweat you drowned
In joy you delivered
My dear Mother
My dear mother
When I cried out of hunger
You breastfed me to my fill
When felt awfully stressed
Your soothed me with kisses
And if I didn't fall asleep
You sang me Hubaaya Hubaaya
My dear mother
You gave me security
You gave me a comfort
You gave me shoulders to cry on
Without your mothering
Would have I known what love is?
In life and in death dear mother
We remain as strongly bonded
As ever could be imagined
I was waiting for this Adinoor It is a distiction you earned. This is similar to the Somali song "Hooyo" by Hadraawi:
Hooyoy la?aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatiyo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu helayn,
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor ilaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyoy lagu xasuustaa.
Marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku hagoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen wayn
Rag u wada hamuumee
Ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.
Hooyoy la?aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la?aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu helaayoo
Hooyoy dhabtaadaaa
Hurdo lagu gam?aayoo
Hooyoy taftaada
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidde lagu arooraay.
Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligey hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon!
ENJOY BROTHER.
Thank you brother! I love your wisdom.
Reviewed by Victor Buhagiar (Reader)
Reviewed on February 6, 2007
I have a feeling I heard those words in a church song. We do tend to use all phrases to praise the Lord who after all deserves all praise. Victor
Reviewed by J M (Reader)
Reviewed on February 5, 2007
Beautiful and expressed so well. A poem worthy a mothers love.
A wicked Cajun Fairy named Robes Pierre entered the impenetrable Magical doll land of Sha Bebe. Queen Faustina, the ruler of the doll land, thought she had destroyed him, but he's back! Will the doll land survive his evil ways?
Let this coming of age story of a boy named Bean take you back to a simple time. Set in a small southern town in the 1960's, encircled by a river and gleaming white cotton fields.
Hooyoy la?aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatiyo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu helayn,
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor ilaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyoy lagu xasuustaa.
Marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku hagoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Markaad hoobal caanoo
Hindisaha farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Rabbi hibo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo
Hal-abuur dhasha baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen wayn
Rag u wada hamuumee
Ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.
Hooyoy la?aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la?aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu helaayoo
Hooyoy dhabtaadaaa
Hurdo lagu gam?aayoo
Hooyoy taftaada
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidde lagu arooraay.
Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligey hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon!
ENJOY BROTHER.
Thank you brother! I love your wisdom.